Muqdisho (Dawan ) — Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya ayaa ku amray xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Federaalka ee isku haya laba xil in ay doortaan hal xil oo kaliya, si loo hirgeliyo ku dhaqanka Dastuurka dhawaan la ansxiyay.
Guddiga ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in aysan waafaqsanayn Dastuurka cusub in hal qof uu isku hayo xil wasiirnimo iyo xubin baarlamaan, isagoo xusay in tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa Dastuurka ay noqonayso mid aan sharci ahayn.
“Dhammaan tallaabooyinka, magacaabista iyo hab-dhaqanka hay’adaha dowladda waa in ay waafaqsan yihiin Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wax kasta oo ka hor imanaya waa waxba kama jiraan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.


