Istanbul (Dawan) – Garsooraha caalmaiga ah ee u dhashay Soomaaliya, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa la sheegay in loo diiday inuu galo Mareykanka, xilli uu u socday inuu qeyb ka nqodo garsoorayaasha loo xushay inay ka qeyb qaataan Koobka Adduunka 2026-ka, sida ay sheegtay warbaahinta caalamiga ah.
Cartan, oo ka mid ah garsoorayaasha ay FIFA u dooratay inay dhexdhexaadiyaan koobka aduunka ee dhawaan bilaabanaya ayaa Sabtidii ka ambabaxay magaalada Istanbul isaga oo ku sii jeeday Miami. Hase yeeshee, wararku waxay sheegayaan in loo diiday gelitaanka Mareykanka markii uu gaaray garoonka diyaaradaha, iyadoo aan ilaa hadda si rasmi ah loo shaacin sababta loo celiyay.
Sida wararku tilmaamayaan, Axaddii ayaa dib loogu soo celiyay magaalada Istanbul.
Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa Jimcihii sheegtay inay fududeysay safarka garsooraha, iyadoo loo adeegsaday baasaboor diblomaasi ah, sida lagu baahiyay warar iyo qoraallo lagu daabacay baraha bulshada.
Dhanka kale, warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in Madaxa Garsoorayaasha ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uu si rasmi ah arrintan ugala xiriiray FIFA. Waxaa sidoo kale la sheegay in FIFA ay xaqiijisay helitaanka cabashada, isla markaana ay ka jawaabi doonto sida ugu dhaqsaha badan.