Jabuuti (Dawan) – Shirkadda Korontada Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay sanad-maaliyadeedka 2024 ku dhammaatay faa’iido dhan 1.46 bilyan oo faranka Jabuuti ah, taas oo u dhiganta ku dhowaad 8.2 milyan oo doolarka Mareykanka ah.
Xogta maaliyadeed ee shirkadda, oo uu dib u eegay Golaha Wasiirrada Jabuuti, ayaa muujisay in dakhliga guud ee shirkaddu uu gaaray 41.96 bilyan oo faranka Jabuuti ah, halka kharashaadka hawlgalka uu gaaray 40.50 bilyan oo faran, taasoo keentay faa’iidada la shaaciyay.
Si kastaba ha ahaatee, faa’iidada shirkaddu waxay hoos uga dhacday tii sanadkii 2023, markaas oo la diiwaangeliyay faa’iido dhan 2.9 bilyan oo faranka Jabuuti ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay in dakhliga shirkaddu uu kor u kacay marka loo eego sanadkii hore oo uu ahaa 35.8 bilyan oo faran sanadkii 2023 balse uu gaaray 41.9 bilyan oo faran sanadkii 2024.
Kororka dakhliga ayaa inta badan ka dhashay iibka korontada iyo adeegyada kale ee shirkaddu bixiso, kuwaas oo gaaray 32.4 bilyan oo faran, marka loo eego 31.6 bilyan oo faran sanadkii ka horreeyay.