Muqdisho (Dawan) – Shirkadda korontada ee Beco ayaa beenisay warar saacadihii u dambeeyay lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in caawa la damin doono korontada magaalada Muqdisho.
Qoraal ay shirkaddu u dirtay macaamiisheeda isla markaana ay ku baahisay baraha bulshada ayaa lagu sheegay inaysan jirin wax dayactir ah ama damin qorsheysan oo lagu sameynayo adeegga korontada ee ay bixiso.
“Waxaan macaamiisheenna sharafta leh ogeysiinaynaa inaysan jirin wax dayactir ama damin qorsheysan ah oo caawa laga qabanayo adeegga shirkadda korontada Beco,” ayay shirkaddu ku sheegtay qoraalkeeda.