Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in sababta loo hirgeliayay sanad dheeri ah oo “Foundation Year” ah ay tahay si loo xoojiyo tayada ardayda jaamacadaha ku biiraysa, loona yareeyo heerka ka harista waxbarashada sare.
Wasiirka oo wareysi siinayay barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media ayaa sheegay in arday badan oo ka soo baxa dugsiyada sare ay dhibaato ka haysato luqadda iyo la qabsiga nidaamka waxbarashada jaamacadaha, taas oo keentay in ku dhowaad kala bar ay ka haraan waxbarashada marka ay la qabsan waayaan heerka jaamacadeed.
“Qaarkood ma yaqaaniin takhasuska ay gelayaan iyo waxa ay baranayaan, sidaas darteed nidaamka caalamiga ah ee jaamacadaha wuxuu leeyahay sanad aasaasi ah (foundation year),” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Wuxuu intaas ku daray in sanadkan dheeraadka ah ujeeddadiisu tahay in ardayda lagu xoojiyo meelaha ay daciifka ka yihiin, gaar ahaan luqadaha iyo maadooyinka aas-aasiga ah ee kor u qaada fahamka iyo maskaxda ardayga.
“Ujeedada Foundation-ka waa in ardayga laga xoojiyo meelaha uu daciifka ka yahay, gaar ahaan luqadaha, iyo maadooyin muhiim u ah koritaankiisa aqooneed iyo maskaxeed,” ayuu sheegay.


