Qaahira (Dawan) – Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa Axadda maanta ah u safray magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku tagayo booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel.
Isaias Afwerki ayaa la filayaa in uu wadahadallo la yeesho Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka labada dal, oo ay ku jiraan iskaashi dhaqaale iyo dhinacyo kale oo muhiim ah.
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimo la xiriira Geeska Afrika, amniga Badda Cas iyo xaaladaha ka taagan Bariga Dhexe, sida uu Yemane ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa X.