Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha lagu saleeyay in af-Soomaaliga uu noqdo luqadda wax lagu barto, isagoo xusay in arrintani ay salka ku hayso muhiimadda afka hooyo u leeyahay horumarka qofka iyo ilaalinta aqoonsiga bulsho.
Wareysi uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast, ayuu wasiirku ku sheegay in afka hooyo uu si toos ah u saameeyo koritaanka qofka, gaar ahaan dhinacyada bulsho, caqli iyo maskaxeed.
Wuxuu yiri: “Afka hooyo aad iyo aad ayuu ugu muhiimsanyahay qofka koritaankiisa bulsho, koritaankiisa caqliyeed, koritaankiisa maskaxeed… wuxuuna noqonayaa qof si fudud u cabbiri kara dareenkiisa, waana qeyb ka mid ah dhaxalka qofka.”
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in qofka wax ku barta afkiisa hooyo uu si sahlan u fahmo casharrada, isla markaana uu si dabiici ah u horumariyo fikirkiisa iyo awooddiisa garasho, taasoo ka dhigaysa waxbarashada mid wax-ku-ool ah oo qoto dheer.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in waxbarashadu ay ka mid tahay aaladaha ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo afka hooyo, isagoo tilmaamay in dadaallada caalamiga ah ee lagu difaacayo afafka hooyo ay muujinayaan muhiimadda ay leedahay in luqadda hooyo laga dhigo saldhigga waxbarashada aasaasiga ah.


