Galmudug (Dawan) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in muddo shan maalmood ah dib loo dhigay doorashada isku-sidkan ee Dawlad Goboleedka Galmudug, taas oo markii hore loo qorsheeyay inay qabsoonto 25-ka Luulyo 2026, balse hadda la qaban doono 30-ka Luulyo 2026.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo uu guddigu soo saaray, dib u dhigista ayaa timid kadib markii la tixgeliyay codsiyo iyo soojeedinno ay gudbiyeen ururrada siyaasadda ee ka qaybgalaya doorashada, kuwaas oo dalbaday waqti dheeraad ah si ay ugu dhammaystiraan diyaar-garowgooda iyo kormeerka hannaanka doorashada.
Guddigu wuxuu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo muhiimadda ay ururrada siyaasadeed u leeyihiin hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo hufan.