Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday koror lagu sameeyay qiimaha naaftada ee lagu iibiyo kaalmaha shidaalka, iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in tallaabadan ay ka dhalatay sare u kaca qiimaha tamarta ee suuqyada caalamka, xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe iyo kharashaadka sii kordhaya ee saameeyay ganacsiga badda.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah, qiimaha litirka naaftada ayaa ka kacaya 205 faran Jabuuti, oo u dhiganta qiyaastii 1.16 doolar, una gudbaya 285 faran Jabuuti, oo qiyaastii ah 1.61 doolar halkii litir.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti, Jaamac Maxamed Xasan, ayaa sheegay in dowladdu muddo ka badan saddex bilood ku haysay qiimaha naaftada heer aan isbeddelin iyadoo adeegsaneysay kab dhaqaale si loo yareeyo saameynta ka dhalan karta kororka qiimaha shidaalka ee caalamka.
“Dowladdu waxay muddo dhowr bilood ah la wareegtay saameynta kororka qiimaha caalamiga ah si loo ilaaliyo awoodda wax-iibsiga ee muwaadiniinta,” ayuu wasiirku ku sheegay hadal laga sii daayay Telefishinka Qaranka Jabuuti.
Jaamac ayaa xusay in sii socoshada kabkaasi ay culays ku noqotay miisaaniyadda dowladda, maadaama qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka uu weli sare u sii kacayo.
Wuxuu intaa ku daray in haddii aysan dowladdu faragelin lahayn, qiimaha dhabta ah ee litirka naaftada uu gaari lahaa ku dhowaad 450 faran Jabuuti, ama qiyaastii 2.54 doolar. Sida uu sheegay, dowladda ayaa weli bixineysa kab dhan 165 faran halkii litir, oo u dhiganta qiyaastii 0.93 doolar.
Dowladdu waxay caddeysay inaan wax isbeddel ah lagu sameyn qiimaha shidaallada kale, oo uu ku jiro batroolka, iyadoo dadaal lagu doonayo in lagu xakameeyo saameynta kororka ku yeelan karta dhaqaalaha iyo nolosha shacabka.