Muqdisho (Dawan)– Saddex shirkadood oo koronto ka bixiya magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka ayaa ku dhawaaqay inay qiimaha korontada ku kordhiyeen $0.05 (shan senti) halkii kilowaat-saac (kWh), iyadoo qiimaha cusub uu dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 25 Oktoobar 2026.
Go'aankan waxaa ku dhawaaqay shirkadaha BECO, Mogadishu Power iyo Blue Sky Energy, kaddib kulan ay maanta yeesheen madaxda shirkadaha, kaas oo lagu lafa-guray sare u kaca qiimaha shidaalka.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen shirkadaha ayaa lagu sheegay in qiimaha shidaalka caalamka uu siddeeddii bilood ee la soo dhaafay si joogto ah u kordhay, taas oo ay ku sababeeyeen dagaallada Bariga Dhexe iyo xiritaanka marinka Hormuz. Shirkaduhu waxay sheegeen in qiimaha shidaalku gaaray heerkii ugu sarreeyay taariikhda.
Sidoo kale, shirkaduhu waxay sheegeen in qiimaha shidaalka ee Soomaaliya uu kor u kacay in ka badan 70%, taas oo ku adkaysay inay adeegga korontada ku sii bixiyaan qiimihii hore. Waxay intaas ku dareen in kordhinta ay sameeyeen ay aad uga hooseyso heerka uu shidaalku kordhay, iyagoo tixgelinaya duruufaha dhaqaale ee adag ee bulshada.