Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalban doonto faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta loo diiday gelitaanka Mareykanka ee garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulkadir Cartan.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu ka soo saartay maanta oo ku beegan 10-kii Juun ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn uga xun tahay go’aanka mas’uuliyiinta Mareykanka ay ku hor istaageen gelitaanka Cartan, xilli uu doonayay inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Cartan, oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu Fiican Afrika ee CAF sanadkii 2025, uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu magaca dheer bahda ciyaaraha Soomaaliya, isla markaana uu yahay astaan qaran oo ay Soomaalidu ku faanto.
Sida lagu sheegay bayaanka, dowladda federaalka ayaa dadaallo diblomaasiyadeed la sameysay dhinacyada ay khuseyso si loogu fududeeyo safarkiisa, balse dadaalladaasi aysan keenin natiijadii la filayay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xustay in dowladda Soomaaliya ay si weyn u qadarinayso kaalinta iyo guulaha uu gaaray Cartan, iyadoo tilmaantay in waxqabadkiisu uu dhiirrigelin u yahay dhallinyarada Soomaaliyeed.