Jabuuti (Dawan) – Ciidamada Difaaca Qaranka Jabuuti ayaa u dabaaldegay 49 sano guurada ka soo wareegtay aas-aaskooda, iyagoo la dhisay 6-dii Juun 1977, muddo 21 maalmood ka hor intii aanu dalkaasi xornimada ka qaadan Faransiiska 27-kii Juun 1977.
Munaasabado lagu xusayay sanad-guurada ciidamada ayaa lagu qabtay gudaha Jabuuti iyo magaalada Beledweyne ee Soomaaliya, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Jabuutiyaan ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo Soomaaliya looga yaqaan magaca Hiil Walaal.
Inkasta oo Ciidamada Jabuuti ay ka mid yihiin ciidamada ugu yar gobolka marka la eego tirada guud, haddana waxay leeyihiin muhiimad istiraatiiji ah oo ka weyn cabbirka dalka. Jabuuti waxay ku taallaa meel muhiim ah oo isku xirta Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Babul-Mandeb, oo ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan dunida.
Tirada ciidamada Jabuuti waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 12,000 oo askari oo joogto ah, inkastoo qaar ka mid ah ilaha amniga ay tirada gaarsiiyaan 13,000. Kala duwanaanshahan ayaa inta badan ka yimaada marka tirakoobyada lagu daro cutubyo amni oo gaar ah sida kuwa loo yaqaano " Jandarmaariga Qaranka".
Qaab-dhismeedka ciidamada Jabuuti wuxuu ka kooban yahay Ciidanka Dhulka, Ciidanka Badda, Ciidanka Cirka iyo Jandarmaariga Qaranka. Jandarmaarigu waa ciidan isku dhaf ah oo isagu jira boolis iyo militari, kana shaqeeya amniga gudaha, ilaalinta xuduudaha iyo sugidda nidaamka guud. Booliska Qaranka Jabuuti ayaa sidoo kale door muhiim ah ku leh amniga gudaha, inkastoo uu hoos tago Wasaaradda Arrimaha Gudaha.