Jowhar (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad GoboleedkaHirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa sheegay in maamulku uu ka gudbay caqabado waaweyn oo muddo dheer dib u dhigay horumarka caasimadda Jowhar iyo guud ahaan deegaannada Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa xusay in gaarsiinta qalabka dhismaha ay ka mid ahayd caqabadaha ugu culus ee hortaagnaa hirgelinta mashaariicda horumarineed.
Sida uu sheegay, qiimaha lagu soo gaarsiiyo agabka dhismaha Jowhar ayaa aad u sarreeya, taasoo kor u qaadda kharashaadka mashaariicda.
“Hal kaariyo carro ama ciid ah oo la keeno Jowhar waxay ku kacdaa in ka badan kun doolar, halka gaarigii dhagax ama cara ah uu gaari karo ugu yaraan 1,500 doolar. Dad badan ayaa is weydiin kara sababta Hirshabeelle mashaariic badan loogu fulin waayay, balse agabkaasi wuxuu ka yimaadaa Muqdisho,” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.
Dhanka kale, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay in xaaladaha amni-darro iyo weerarrada joogtada ah ee Al-Shabaab ay sidoo kale caqabad weyn ku ahaayeen dadaallada horumarinta. Wuxuu sheegay in maamulka uu qaaday tallaabooyin lagu sugayo amniga, oo ay ku jiraan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo miino-baaris lagu sameeyay waddooyinka muhiimka ah.