Addis Ababa (Dawan) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa difaacay doorashadii dalkaas ka dhacday 1-dii Juun 2026, isagoo beeniyay eedeymo ay soo jeediyeen qaar ka mid ah falanqeeyayaasha oo sheegayay in natiijada codbixinta horay loo sii go’aamiyay.
Qoraal uu xafiisku soo saaray 5-tii Juun ayaa lagu sheegay in in ka badan 54 milyan oo qof ay isu diiwaangeliyeen inay codkooda dhiibtaan, halka Guddiga Doorashooyinka Itoobiya uu xaqiijiyay in ka badan 50,188 goobood oo codbixin ah, kuwaas oo ka mid ahaa 52,000 goobood oo dalka laga diyaariyay si looga codeeyo.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in doorashada ay ka qayb galeen in ka badan 10,438 murashax oo ka kala socday 42 xisbi siyaasadeed, kuwaas oo ku tartamay kuraasta Golaha Wakiillada Shacabka iyo golayaasha dowlad-deegaannada.
Dowladda Itoobiya ayaa doorashada ku tilmaantay “hannaankii ugu ballaarnaa uguna casrisanaa ee ka-qeybgal dimuqraadi ah ee taariikhda dalka.”
Qoraalka ayaa si gaar ah uga jawaabay eedeymo lagu sheegay in doorashadu ahayd “caleemo-saar” ama mid natiijadeedu horay u caddayd.