Kismaayo (Dawan) – Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa walaac ka muujisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho iyo dagaalkii shaly ilaa xalay ka socday, iyadoo ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay weerar ku qaaday qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay weerareen goobo ay ku sugnaayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, xilli ay socdeen kulamo ay la lahaayeen odayaal dhaqameed.
Jubaland ayaa sheegtay in kulamadaasi ay qeyb ka ahaayeen dadaallo lagu raadinayay xal nabadeed oo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muranka la xiriira bannaanbaxyada mucaaradka ay qorsheynayaan inay ka dhigaan Muqdisho.
Maamulka Jubaland ayaa tallaabada dowladda ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan xorriyadda hadalka, isu imaatinka iyo cabbirka ra’yiga siyaasadeed.
Sidoo kale, Jubaland waxay ugu baaqday dhinacyada siyaasadda inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda jirta, iyadoo ku adkaysatay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, is-afgarad iyo hannaan loo dhan yahay.