Qaahira (Dawan) – Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisi iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay wadahadallo muhiim ah oo diiradda lagu saaray Geeska Afrika, amniga Badda Cas iyo xaaladaha siyaasadeed ee gobolka, sida ay sheegtay Madaxtooyada Masar.
Al-Siisi ayaa Madaxweynaha Eritrea ku qaabilay Qasriga Al-Ittihadiya, halkaas oo ay ku yeesheen wadahadallo ballaaran oo ay ka qeyb galeen wafdiyada labada dhinac.
Wadahadallada ayaa xoogga lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Al-Siisi ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Masar ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Eritrea, halka Madaxweyne Afwerki uu dhankiisa bogaadiyay taageerada Masar ee dadaallada horumarineed ee dalkiisa.