Belgrade (Dawan)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia, kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka Aljeeriya, Khalida Boufeddach, oo ay kawada qeyb galeen shirki lagu xusayay sannad-guurada 65-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Dhaqdhaqaaqa Dalalka Dhexdhexaadka ah.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda labada dal, gaar ahaan dhinaca baarlamaanada, si loo taageero danaha labada dhinac iyo wadajirka Afrika, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Aljeeriya.
Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay labada dal daneynayaan, xilli ay gobolka iyo caalamkuba wajahayaan caqabado siyaasadeed iyo amni.