Paris (Dawan)– Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Arbaco ah Qasriga Élysée ee magaalada Paris kula kulmay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, iyadoo kulanku dhacay xilli magaalada Paris ay martigelineyso 9-ka iyo 10-ka Sebtembar shir-madaxeedka Caalamiga ah ee Hawada Sare.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa wada-hadallada joogtada ah ee u dhexeeya labada Madaxweyne, waxaana looga hadlay xiriirka labada dal iyo dhowr arrimood oo dan guud ah. Labada Madaxweyne ayaa bogaadiyay iskaashiga labada dal oo ay sheegeen inuu soo jiray tobannaan sano, isla markaana ku dhisan xiriir taariikhi ah iyo iskaashi dhinacyada difaaca, waxbarashada, cilmi-baarista iyo horumarinta dhaqaalaha.
Dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga dhinaca difaaca ee u dhexeeya Faransiiska iyo Jabuuti, oo la saxiixay 24-kii July 2024, ayaa kamid ahaa qodobada muhiimka ah ee kulanka.
Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Macron ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda Geeska Afrika iyo Badda Cas, oo xilligan ay ka socdaan isbeddello ku saabsan dhinaca amniga, kuwaas oo saameyntoodu ka gudbeyso xuduudaha gobolka.