Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa dowladda Eritrea ugu baaqay inay doorato nabadda iyo horumar wadaagga ah, isaga oo uga digay cawaaqib culus haddii ay sii waddo diidmada nabadda. Abiy ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu Isniintii siiyay warbaahinta Itoobiya ee EBC, kaas oo ku baxay afka Tigrinya. Waxa uu waraysiga ku soo bandhigay aragtidiisa ku aaddan xaaladda dhaqaale ee Eritrea iyo xiriirka labada dal.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in Eritrea ay hore u lahayd in ka badan 300 oo warshadood iyo saldhig warshadeed oo xooggan, balse ay ku guuldarraysatay inay sii waddo horumarkaas dhaqaale.
Isaga oo tusaale u soo qaatay xaaladda magaalooyinka Eritrea, ayuu sheegay in Asmara ay lumisay qayb weyn oo ka mid ah sumcaddeedii ganacsi, isaga oo la barbar dhigay magaalooyinka Itoobiya sida Arba Minch iyo Jigjiga. Waxa uu sidoo kale Massawa ku tilmaamay magaalo inta badan faaruq ah, halka Assab uu sheegay in aanu qofna degganayn.