Garoowe (Dawan)– Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeysay inuu wado qorshe uu ku burburinayo nidaamka dowladnimo ee Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu maamulku soo saaray 25-kii Luulyo.
Puntland ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto waxay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku tilmaantay kuwo uu Madaxweynaha Soomaaliya gadaal ka riixayo, kuwaas oo ay sheegtay inay halis ku yihiin nabadda iyo xasilloonida deegaannadeeda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in aanu jirin ciidan si sharci ah uga tirsan ciidamada difaaca Puntland oo loo yaqaan PSF, isla markaana maamulka uusan aqoonsanayn ciidamo ay Dowladda Federaalka qortay ama diiwaangelisay oo ka hawlgala gudaha Puntland iyaga oo aan oggolaansho ka haysan hay’adaha maamulka iyo ammaanka ee Puntland.