Muqdisho (Dawan) – Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay dagaallada hubeysan ee ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si degdeg ah u joojiyaan colaadaha isla markaana muujiyaan is-xakameyn.
Qoraal kasoo baxay ururka ayaa lagu sheegay in dagaallada ka dhacay xaafadaha rayidka ay halis ku yihiin amniga iyo badqabka shacabka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah iyo hantidooda.
Ururku wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadeed iyo kuwa amniga inay ka fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara xaaladda, ayna mudnaanta siiyaan nabadda, xasilloonida iyo ilaalinta shacabka.
Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa ku booriyay daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal, is-afgarad iyo habraacyada dastuuriga ah ee dalka u degsan.