Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga (IAEA), sida uu bartiisa X ku shaaciayay Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed
Wasiirku waxa uu caddeeyay in Soomaaliya ay ka go'antahay inay tamarta Nukliyeerka u adeegsato si nabdoon.
Hadaba maxaan ka naqaan Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga ?
Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga waa hay'add dowli ah oo ka shaqaysa sidii dowaladaha caalamku isaga kaashan lahayeen aqoonta iyo farsamada Nukliyeerka, iyada oo loo adeegsanayo si nabadgelyo ah, si loo ilaaliyo xasiloonida caalamka.