Muqdisho (Dawan)— MyBank ayaa daahfurtay adeeg cusub oo maalgelin ah oo loogu talagalay haweenka Soomaaliyeed, kaas oo dahabka ay haystaan loogu adeegsan karo dammaanad si ay u helaan adeegyo maaliyadeed iyo maalgelin. Adeeggan oo lagu magacaabo “IskuFilan” ayaa loogu talagalay in haweenka Soomaaliyeed lagu taageero aasaasidda, kobcinta iyo ballaarinta ganacsiyadooda, sida uu sheegay bangiga Arbacadii.
MyBank ayaa sheegay in adeeggu wax ka qabanayo qaar ka mid ah caqabadaha ay haweenku kala kulmaan helitaanka maalgelinta, gaar ahaan shuruudaha la xiriira dammaanad-bixiyeyaasha.
Maamulaha Guud ee MyBank, Cabdirisaaq Maxamed Axmed, ayaa sheegay in bangigu qiyaasayo in ku dhowaad hal milyan oo haween Soomaaliyeed ah ay haystaan dahab, isaga oo raaciyay in haddii celcelis ahaan haweeney kasta ay haysato 20 garaam oo dahab ah, qiimaha guud ee dahabkaas uu noqon karo ku dhowaad $3 bilyan. Qiyaastan ayaa ah mid uu bangigu soo bandhigay oo ku salaysan celceliska dahabka ay haweenku haystaan sida uu sheegay. Wuxuu sheegay in qiimaha dahabka ay haweenku haystaan uu ka badan yahay hantida guud ee ku jirta bangiyada dalka marka la isku daro.
Munaasabadda daahfurka adeegga waxaa ka qaybgalay mas'uuliyiin dowladeed, culumo iyo xubno ka tirsan bulshada ganacsatada, kuwaas oo soo dhaweeyay adeegga, iyagoo sheegay inuu haweenka u abuuri karo fursado dheeraad ah oo ay ku helaan adeegyo maaliyadeed iyo maalgelin.
La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Xoosow, ayaa sheegay in warbixin ku saabsan ka-qaybgalka maaliyadeed oo la daabacay 2024 ay muujisay in hantida haweenka aan si la mid ah tan ragga loogu tixgelin nidaamka maaliyadeed.
Madaxweynaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa sheegay in haweenku muddo dheer ay caqabado kala kulmayeen helitaanka adeegyada bangiyada iyo maalgelinta, isagoo IskuFilan ku tilmaamay tallaabo wax ka qaban karta arrintaas.