Addis Ababa (Dawan) – Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa mar kale xaqiijiyay xiriirka istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya, kaddib wada-hadallo ka dhacay magaalada Addis Ababa. Intii uu socday kulankaas, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed u gudbiyay farriin ka timid Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sida ay werisay warbaahinta dowladda Jabuuti.
Kulanka oo qabsoomay maalintii Khamiista, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, kuwaas oo leh xiriir qoto dheer oo dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay inuu helay farriintaas, isaga oo qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in wada-hadalladu ay sidoo kale taabteen iskaashiga socda ee u dhexeeya labada dhinac.


