Sakariye Hassan,
Soohoyde
Muqdisho, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray amaro cusub oo ku wajahan shirkadaha, ganacsiyada, iyo shaqaalaha ajaanibta ah ee ka howlgala dalka, kaas oo faraya in ay qaataan shahaadada dambi-la’aanta ee ay bixiso waaxda CID.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan, ayaa warb aahinta u sheegay in tallaabadan lagu xoojinayo ammaanka dalka, isla markaana ay gacan ka geysaneyso xakameynta maalgelinta kooxaha argagixisada ah.
“Dhamaan shirkadaha, NGO-yada, iyo hay’adaha aan dowliga ahayn waxaa laga doonayaa inay helaan shahaadada dambi-la’aanta si loo xaqiijiyo in aysan ku lug lahayn maalgelinta kooxaha xagjirka ah,” ayuu yiri afhayeenka booliska.