Muqdisho (Dawan) — La-taliyihii hore ee amniga qaranka, hadana ah agaasimaha Machadka Saldhig, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in caqabadaha hortaagan dhismaha ciidanka Soomaaliya aysan ku koobnayn tirada askarta, balse ay si weyn ugu xiran yihiin tayada, nidaamka iyo aragtida lagu dhisayo ciidanka.
Xuseen Macallin oo ka hadlayay barnaamijka Miizaan ee ka baxa Dawan Media ayaa xusay in “dhisidda ciidanka ay tahay howl maamul, ciidankana tiradiisa iyo tayadiisa waa labo arrimood oo kala duwan,” isagoo tilmaamay in tirada oo la kordhiyo aysan keligeed ka jawaabin baahida taagan.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in tayada ciidanku ay ka bilaabato fikirka askariga, isagoo yiri: “Tayadu waxay u baahan tahay inay ka soo bilaabato fikirka ciidanka, fikir lagu dhisana waa meesha ay ka imaanayso caqiidada.”
Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda uu leeyahay nidaam la isku raacsan yahay oo la isla xisaabtami karo, isagoo sheegay: “In nidaam la isla ogolyahay oo la isla ogyahay lana wada xisaabin karo lagu dhiso, markaas ayaa la heli karaa tayo iyo ciidan awood leh" wuxuuna tilmaamay in haddii tirada keliya xoogga la saaro oo laga leexdo qodobadan, ay imaaneyso dhibaato.


