Mogadishu, Somalia – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur, ayaa maanta si rasmi ah dib ugu fasaxay 15 xildhibaan oo horay looga ganaaxay ka qeyb galka fadhiyada Golaha Shacabka.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in xildhibaannadan loo ogolaaday inay ka qeyb galaan kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka laga bilaabo maalinta Isniinta ee berrito ah, taariikhduna tahay 24-ka Febraayo 2025.
"Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu go’aamiyay in dib loogu fasaxo xubnaha hoos ku xusan ka qeyb galka fadhiyada Golaha Shacabka ee Kalfadhiga 6-aad laga bilaabo maalinta Isniinta ah 24-ka Febraayo 2025," ayaa lagu yiri qoraalka.