Muqdisho (Dawan) – Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa shaaciyay afar yool oo uu doonayo in bangigu gaaro sannadka 2029, isaga oo sheegay in guusha dib-u-habaynta lagu cabbiri doono saamaynta ay ku yeelato nolol-maalmeedka qoysaska iyo ganacsiyada Soomaaliyeed.
Wareysi uu siiyay majaladda African Business, oo la daabacay 9-kii Oktoobar, ayuu guddoomiyuhu ku sheegay in yoolalkaasi yihiin helitaanka lacag qaran oo si buuxda u shaqaysa, isla markaana si ballaaran loo isticmaalo; dhismaha nidaam maaliyadeed oo ay dadku si fudud u heli karaan; hirgelinta nidaam lacag-bixin oo ammaan ah oo isku xiran; iyo in Bangiga Dhexe loo aqoonsado hay’ad lagu kalsoon yahay, madax-bannaan oo waxqabad sare leh.
1. Soo celinta shilinka Soomaaliga
Soo celinta lacagta qaranka ayaa ka mid ah yoolalka ugu muhiimsan ee Bangiga Dhexe. Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa inta badan ku tiirsanaa doolarka Maraykanka tan iyo markii bangigu lacag cusub soo saaray markii ugu dambaysay sannadkii 1990-kii.
Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dooratay nidaamka Currency Board, kaas oo qiimaha lacagta qaranka ku xiri doona doolarka Maraykanka. Nidaamkan, shilinka Soomaaliga waxaa lagu beddeli karaa doollar qiime go’an, iyadoo lacagta la soo saarayo ay daboolayaan kaydka lacagaha qalaad.
Wuxuu xusay in ujeeddadu aysan ahayn in doolarka Maraykanka laga guuro, balse ay tahay in shilinka Soomaaliga iyo doolarku si wadajir ah uga dhex shaqeeyaan dhaqaalaha dalka.
Si qorshahan loo hirgeliyo, waxaa loo baahan yahay tallaabooyin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin dejinta sharciyo cusub, wax ka beddelka Sharciga Bangiga Dhexe, maalgelinta daabacaadda lacagta iyo dhismaha kayd ku filan oo lacag qalaad ah. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in diyaargarowgu si wanaagsan u socdo, balse uusan cayimin xilliga rasmiga ah ee lacagta cusub la soo saarayo.
2. Ballaarinta helitaanka adeegyada maaliyadeed
Yoolka labaad wuxuu ku saabsan yahay sidii loo ballaarin lahaa helitaanka adeegyada maaliyadeed, si muwaadiniin badan iyo ganacsiyadu ay uga faa’iidaysan karaan adeegyada bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed.