Jowhar (Dawan) - Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabelle, kaddib codsi loo gudbiyay maxkamadda si loo xaqiijiyo natiijada doorashada. Go’aanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in natiijada doorashada uu soo saaray Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ay waafaqsan tahay sharciga.
Natiijada doorashada ayaa muujinaysa in Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka(JSP) ee uu hoggaamiyo Madxaweyne Xasan sSheekh uu ku guuleystay 78 ka mid ah 99-ka kursi ee Golaha Wakiillada Hirshabelle.
Xisbiyada kale sida Karaama ayaa helay lix kursi, Iftiin Qaran ayaa heslay shan kursi iyo Sincad oo helay saddex kursi. Dimuqraadiga Soomaaliyeed iyo Ramaas ayaa min laba kursi helay. Sidoo kale, Caddaaladda iyo Midnimada Tiir, Madalsan iyo Muwadiniinta Soomaaliyeed ayaa min hal kursi helay.