Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda sare ee dalka ayaa diiday Rafcaanka ay ka qaateen Qareenadda eedeysane Sayid Cali Macalim Daa'uud xukunkii dilka toogashada ahaa ee Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu soo xukuntay.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo go'aanka ku dhawaaqay ayaa yiri; Maxkmadda Sare ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay diiday cabashada eedeysane Sayid Cali Macalim Daa'uud ... Maxkmaddu waxay ayidday xukunka maxkamadda Rafcaanka"
Hadaba aan dib u eegno billowgii kiiska Sayid Cali iyo sida uu kusoo gaaray Maxkamadda Sare ee dalka