Addis Ababa (Dawan ) —Guddiga Midowga Afrika ayaa maanta oo Axad ah cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay safiir ugu magacaawday Somaliland, isagoo muujiyay walaac ku saabsan waxa uu ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya.
Bayaan laga soo saaray xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in guddigu “si adag u cambaareynayo” tallaabadaas, isla markaana uu dib u xaqiijinayo ixtiraamka Midowga Afrika ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale sheegay inuusan aqoonsanayn Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ka digay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu noqonayo “mid aan waxba ka jirin.”
Guddigu wuxuu tixraacay war-murtiyeed hore oo ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, isagoo carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinka noocaas ah ay wiiqi karaan xasilloonida Geeska Afrika.


