Addis Ababa (Dawan)- Midowga Afrika ayaa soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee wada-tashiyada istaraatiijiga ah ee ku saabsan mustaqbalka joogitaanka hawlgalkiisa Soomaaliya, kaddib kulammo 22-kii iyo 23-kii Luulyo ka dhacay magaalada Addis Ababa, kuwaas oo lagu qiimeeyay wejiga xiga ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wada-tashiyadan ayaa daba socday kulankii 22-aad ee aan rasmiga ahayn ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, kaas oo qabsoomay 8-dii Luulyo, laguna go'aamiyay in la dhiso koox shaqo oo soo diyaarinaysa istaraatiijiyad ku saabsan mustaqbalka hawlgalka AUSSOM.
Wejiga koowaad ee wada-tashiyada ayaa isugu jiray kulammo farsamo oo ay ka qeybgaleen wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hawlgalka AUSSOM, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Midowga Afrika (UNOAU).