Muqdisho (Dawan)— Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidamada iyo saraakiisha booliiska Soomaaliyeed ee uu tababaray inay ka howlgalaan qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay ka jiraan xaalado amni oo adag, isagoo xusay in ciidamadaasi ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee deegaannada loo diray.
Arrintan ayaa lagu sheegay kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhexmaray Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, László Máthé, iyo madaxa EACAP Somalia, Kęstutis Lančinskas. Kulanka ayaa looga hadlay taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iskaashiga dhinacyada amniga iyo xaaladda amni ee dalka.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu tababar siinayay ciidamada Daraawiishta Soomaaliyeed tan iyo sannadkii 2024, isagoo xusay in 680 askari ay tababarka ka qalinjabiyeen, isla markaana ay ka howlgalaan deegaanno ay ka mid yihiin Balcad, Afgooye iyo Gandarshe.
“680 askari oo Daraawiish ah ayay noo soo saareen Midowga Yurub, kuwaas oo ka howlgala meelaha qaarkood sida magaalada Balcad, magaalada Afgooye iyo Gandarshe. Saddexdaas meelood ayay ka howlgaleen iyagoo wata qalabkooda oo gudanaya waajibaadkooda. Guud ahaan, aad ayaan ugu mahadcelinayaa,” ayuu yiri wasiirku.
Dhankiisa, madaxa EACAP Somalia, Kęstutis Lančinskas, ayaa sheegay in saraakiisha booliiska Soomaaliyeed ee uu Midowga Yurub tababaray loo diray deegaanno ay xaaladaha amni aad ugu adag yihiin, halkaas oo ay ka gudanayaan waajibaadkooda shaqo.