Muqdisho (Dawan)- Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegtay in si ku meel gaar ah loo hakiyay dhaqaalihii Midowga Yurub ku bixin jiray cuntada gargaarka ah ee Soomaaliya .
Tillaabadaan ayaa timid kadib markii lagu ogaaday baaritaan ay samesay Qaramada Midoobay in lacagihii barnaamijkaas loogu tala galay lagu sameeyay musuq-maasuq, xatooyo iyo ku tagri fal.
Af-hayeenka Midowga Yurub, Balazs Ujvari ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo hakinta lacagihii ku bixi jiray cuntada gargaarka ee Soomaaliya si looga hortago macluusha iyo dhibaatada faqriga ka jira Soomaaliya.
Ujvari ayaa sheegay in aysan ilaa iyo hadda soo gaarin Midowga Yurub wax saameyn ah oo ku timid dhaqaalaha mashruuca cuntada gargaarka ee Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday in Midowga Yurub sii wadi doono hubinta la socoshada barnaamijkaas iyo in aysan dhciin in wax la musuq-maasuqo.
Qarashaadka uu Midowga Yurub bixiyay sannadki hore oo gaaraya 7 milyan oo dollar ayaa ka mid ah dhaqaalaha ay hesho Hay’adda cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay kaas oo guud ahaan dhan hal bilyan oo dollar oo loo qorsheeyay in wax looga qabto gargaarka abaarta Soomaaliya