Muqdisho (Dawan) – Cabdullaahi Maxamed Nuur, milkiilaha Elite Hotel ee magaalada Muqdisho, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay howlgal maanta laga sameeyay hotelka uu leeyahay oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Cabdullaahi Maxamed Nuur ku sheegay in saaka oo Sabti ah, 6-da Juun 2026, abbaaro 11:30-kii barqanimo, in ciidamo ku hubeysan waxa uu ku tilmaamay hub culus iyo walxo qarxa ay gudaha u galeen Elite Hotel, isla markaana ay si buuxda ula wareegeen xarunta.
Waxa uu sheegay in ciidamada ay hal meel isagu geeyeen shaqaalihii iyo ilaaladii ku sugneyd hotelka, iyagoo u sheegay inay wadaan baaritaan. Hase yeeshee, wuxuu ku tilmaamay in nooca hubka iyo walxaha qarxa ee ay ciidamada wateen ay muujinayaan in howlgalkaasi aanu ahayn baaritaan caadi ah.
“Waxaa la doonayaa in la burburiyo hotelka lana boobo hantida taalla gudaha, kaddibna lagu marmarsiyoodo hub iyo walxo kale oo goobta lagu soo geliyo si loo xalaaleysto tallaabadaas,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale si toos ah mas’uuliyadda arrintan ugu eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay inuu qaadayo masuuliyadda wixii khasaare ah ee ka dhasha howlgalka lagu qaaday hotelka.