Muqdisho (Dawan) – Milkiilaha Elite Hotel, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa sheegay in hotelku sii xirnaan doono ilaa laga gaarayo xaalad uu ku tilmaamay mid amni iyo siyaasadeed oo ku habboon, kadib howlgal ay ciidamada ammaanku ka fuliyeen hotelka maalmihii lasoo dhaafay.
Hadalka Cabdullaahi ayaa yimid xilli ilo wareedyo ay Dawan Media u xaqiijiyeen in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maamulka hotelka dib ugu wareejiyeen gacan-ku-haynta xarunta, isla markaana ay oggolaadeen in dib loo bilaabo howlaha caadiga ah ee hotelka.
Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo hore u soo noqday Wasiirka Amniga Soomaaliya, ayaa shir jaraa’id ku qabtay maanta oo Isniin ah hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed, isagoo sheegay in ciidamada ammaanku ay ku sugnaayeen gudaha Elite Hotel muddo saddex maalmood ah kadib iska horimaadyadii dhowaan ka dhacay degmada Cabdicasiis.
Waxa uu sheegay inuu ku sugnaa gudaha hotelka 3-dii Juun markii ay billowdeen rabshadaha ka dhacay degmada Cabdicasiis, balse uu beeniyay in hotelka, ilaaladiisa ama shaqaalihiisu ay wax lug ah ku lahaayeen dagaalladaas.
Sida uu sheegay, wuxuu ilaaladii hotelka faray inaysan wax iska caabin ah sameyn marka ay ciidamada ammaanku yimaadeen, isla markaana ay ku wareejiyaan hubkooda, maadaama ciidamada joogay albaabka hotelka ay ahaayeen ciidamo dowladeed.
Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah ciidamada galay hotelka inay geysteen burbur hantiyeed, islamarkaana ay qaateen hanti taallay gudaha hotelka. Waxa uu sidoo kale sheegay in shaqaale ka tirsan hotelka, oo ay ku jireen ajaanib, loola dhaqmay si aan habboonayn.
Dhanka kale, wuxuu beeniyay eedeynta Booliska Gobolka Banaadir ee ah in hub culus oo laga helay gudaha hotelka uu isaga ama ganacsigiisa lahaa. Waxa uu sheegay in hubka kaliya ee sharci ahaan yaallay hotelka uu ahaa hub fudud oo ay adeegsanayeen ilaalada xarunta.