Jowhar (Dawan) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hambalyo u diray Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), oo shalay mar kale loo doortay hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, iyo ku-xigeenkiisa, Cabdifitaax Xasan Afrax.
Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, oo ka tirsan Madasha Samatabixinta Mucaaradka, ayaa hambalyo u diray Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa. Wuxuu u rajeeyay in Eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, isla markaana uu ku guuleysto hoggaamin ku dhisan horumar, nabad, dib-u-heshiisiin iyo midnimada bulshada Hirshabeelle.
Sidoo kale, wasiirkii hore ee Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ka tirsan Isbahaysiga Haybad Qaran, ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub, isaga oo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin dhab ah oo dhex marta bulshada Hirshabeelle, gaar ahaan dadka tabashada qaba.