Muqdisho (Dawan) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan lahayn sharciyad ay ku fuliso hub-ka-dhigis, xilli ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalatay dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo uu qabtay habeenimadii Talaadada, kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta.
Waxa uu sheegay in mucaaradku weli ku taagan yahay mowqifkiisa ku aaddan sharciyadda dowladda federaalka, isaga oo ku dooday in muddadii dowladda ay dhammaatay, isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan lahayn sharciyad uu dalka ku hoggaamiyo.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku dooday in hub-ka-dhigistu aysan ahayn arrin amni oo keliya, balse ay tahay hannaan siyaasadeed oo u baahan nidaam, heshiis iyo habraac rasmi ah oo ay dhinacyadu ku heshiiyaan.
“Hub-ka-dhigistu waa political process, security issue ma aha,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.