Muqdisho (Dawan) – Siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan mucaaradka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray Liibaan Axmed Xasan iyo ku xigeenkiisa, Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare), kaddib markii Golaha Wakiillada Galmudug ay maanta u doorteen hoggaamiyaha iyo ku xigeenka dowlad-goboleedka.
Liibaan oo ka socda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa helay 72 cod, halka musharraxa Sincad, Cabdulqaadir Cabdullaahi Diiriye, uu helay 14 cod.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo ka tirsan hoggaanka Madasha Samatabixinta, ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub, isaga oo yiri: “Waxaan ugu ducaynayaa in Allah u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee uu qaaday.”
Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ka tirsan Isbahaysiga Haybad Qaran, ayaa sheegay inuu Liibaan u arko “hoggaamiyihii loo baahnaa ee marxaladdan adag Galmudug ka saari lahaa.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa Liibaan ku tilmaamay qof uu si wanaagsan u yaqaan, isla markaana leh karti, aragti iyo awood uu bulshada isugu keeni karo. Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdiladiif Sanyare ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub.
Hambalyooyinkan ayaa ka imanaya siyaasiyiin ka tirsan isbahaysiyo si adag u dhaliilay doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee dowladda federaalku ka qabatay qaybo ka mid ah dalka.
Mowqifka mucaaradka ee doorashooyinkii hore