Muqdisho (Dawan)- Waxaa subxanimadii maanta isagu soo baxay waddooyinka caasimadda Muqdisho dad tira badan kuwaas oo dhigayay mudahaarad looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.
Dadweynaha ka qeyb qaadanayay mudaahraadka oo isagu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ardayda, ganacsatada, shaqaalaha Dowladda iyo mas'uuliyiin ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Dowladda Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen 1-dii bishaan January.
Daka kasoo qeyb galay bannan baxa ayaa watay boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo ka dhan ah damaca Itoobiya sida " Baddeenu iib ma aha" .