Muqdisho (Dawan)- Muuqaalka habeenkii ee Magaalada Muqdisho ayaa aad isku beddelay waayihii u dambeeyay, waxaadna la kulmeysaa cariiriga waddooyina iyo mashquulka goobaha ganacsiga kuwaas oo furan habeenka xilliyada dambe.
Waxaa magaalada laga furay Super Market-yo laga heli karo badeecadaha kala duwan iyo goobo ay ku nastaan qoysaska, asaxaabta shaqa wadaaagga ah ama raba in ay waqti wada qaataan.
Helitaanka wax soo saarka shirkadaha caan baxay ee dunida, isbeddelka xagga ammaanka iyo fursadaha ganacsi ee sii kobacaya ayaa ku dhiiri geliyay Qurba-joogta in ay dalkooda kusoo laabtaan kuna qaataan waqtiyada fasaxa ama kasameeyaan Maalgashi.
"Waxaan la heli karin waaye, Yurubta qaar ayaadan ka heleyn. Somaaliya, Muqdishu inaad 24 saac ay furanyihiin meel aad waxaad rabto ka heli karto aad ayaan ugu faraxsanhaay. Cabsida dadka ay sheegaan ayaa ii sawirneed laakin maanta Al-xamdulilaah, waxaan arkaa inaysan waxaas jirin. Wax dhibaato ah uma jeedi" ayuu yiri, Sakariye Maxamed Shiiqey oo ka adeegnaya mid ka mid ah suuqyada casriga ah ee laga furay magaalada Muqdisho.