Muqdisho (Dawan) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay shirka Guddiga Hagaha Mashruuca Amniga iyo Caddaaladda, Maamul-wanaagga iyo Isla-xisaabtanka (SJGAP). Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta horumarka mashruuca, xoojinta awoodda hay’adaha dowladda iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo sii-jiritaanka dib-u-habaynta hay’adaha amniga iyo caddaaladda.
Shirka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), xubno ka socday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Safiirka Midowga Yurub,László Máthé iyo masuuliyiin kale.
Wasiir Fiqi oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in xaqiijinta amniga qaranka, ilaalinta madaxbannaanida dalka iyo xoojinta dowladnimada ay u baahan yihiin hay’ado difaac oo casri ah, xirfad leh, hufan, isla markaana lala xisaabtami karo. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka. Hindisahan waxaa ansixiyay Golaha Wasiirrada, haatanna horyaallaa Baarlamaanka Federaalka. Wasiirka ayaa sheegay in sharcigani saldhig sharci u noqon doono difaaca qaranka, uuna xoojin doono isla-xisaabtanka.