Muqdisho – Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay martigelisay Madasha Bangiyada Soomaaliyeed, taas oo ay ka qeyb galeen 16 hay’adood oo ka shaqeeya dhinacyada bangiyada iyo adeegyada maaliyadeed.
13 ka mid ah hay’adaha ka qeyb galay madasha ayaa ah bangiyo, halka hal hay’ad ay tahay shirkad caymis, labada kalena ay yihiin adeegyo ama barnaamijyo ku shaqeeya taleefannada gacanta.
Madashan ayaa loo qabtay in lagu abuuro faham iyo xiriir dhow oo u dhexeeya bangiyada iyo bulshada, iyadoo hay’adaha ka qeyb galay ay soo bandhigeen adeegyada maaliyadeed ee ay bixiyaan iyo doorka ay ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha dalka.
Waxaa sidoo kale madasha ka qeyb galay ganacsato, hal-abuurayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo in ka badan kun qof ay iska diiwaangeliyeen ka qeybgalka munaasabadda.
Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Axmed Khadar Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in madashu ay muhiim u tahay in bulshada lagu baro waxqabadka bangiyada iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada.