Muqdisho (Dawan) — Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelinaysa shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo labada dal ay ka wada hadlayaan fulinta heshiisyadii hore iyo ballaarinta xiriirkooda dhaqaale. Shirka waxaa ka qaybgalaya in ka badan 100 xubnood oo ka socda Uganda iyo 146 xubnood oo Soomaali ah. Munaasabadda ayaa isugu jirta dib-u-eegista heshiisyada, madal ganacsi iyo bandhig wadajir ah.
Shirkan ayaa daba socda kalfadhigii koowaad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka Soomaaliya iyo Uganda (JPC), oo 7–8 Oktoobar 2025 lagu qabtay Kampala. Wafdiyada ayaa hadda qiimaynaya wixii ka qabsoomay ballanqaadyadii hore iyo caqabadaha hortaagan fulintooda.
Wadahadallada socda ayaa diiradda lagu saarayaa amniga, difaaca, shaqaalaha, caafimaadka, tamarta, kalluumeysiga, maaliyadda, gaadiidka, duulista rayidka, dalxiiska, tayada badeecadaha iyo tirakoobka.
Waxaa sidoo kale miiska saaran heshiis ku saabsan shaqaalaha labada dal oo saxiixiisa lagu qorsheeyey barnaamijka, iyo heshiisyo kale oo la xiriira adeegyada duulimaadyada, tababarka ciidamada, kastamyada, caafimaadka iyo tirakoobka. Weli lama xaqiijin heshiisyada si rasmi ah loo saxiixay.