(Muqdisho, Dawan) – Mareykanka iyo Soomaaliya oo kala saxiinayo heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan ganacsiga, maalgashiga, iyo iskaashiga istaraatiijiga 4 iyo 5 october inta lagu guda jir shir lagu wado inuu muqdisho ka dhaco maalmahaas.
Casuumaad rasmi ah oo kasoo baxday Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka iyo shirkadda Cleanport Ventures 1 september ee sanadkaan ayaa lagu sheegay in kulankaan uu furayo waji cusub oo labada dal u dhaxeeya oo quseeya ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga istaraatiijiga.
“Waxaan sharaf ah inaan ku dhawaaqno in Madasha Ganacsiga Maraykanka–Soomaaliya lagu qaban doono Muqdisho. Iyada oo la heysto iskaashi amni oo xooggan oo u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya, waxaan fureynaa suuqyo cusub, soo jiidaneynaa maalgashi, isla markaana abuuraya shaqooyin cusub oo dadkeenna u gaar ah.” Ayuu yiri Daahir Carab oo ah Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka.
Waxaa lagu wadaa in madashaan ay isku keento madaxda labada dal, wasiiro, maalgashadayaal, qubaro siyaasadeed iyo hogaamiyayaal ka socda ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Shirkaan ayaa lagu saleysan doonaa aragtiga qaran ee 2060, boqol sano ka dib xurnimada sida ay Soomaaliya u egaan doonto oo horay muqdisho looga daah furay.
Qodobada looga hadli doono waxaa ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, maaliyadda, iyo maamulka.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay Mareykanka ugu soo jeedisay inuu cusbooneysiiyo heshiiskii diofaaca ee labada dal wada galeen 1980ki kaas Mareykanka siinaya in uu isticmaalo dakadaha iyo garoomada uu horay u siticmaali jiray, sida Berbera, Kismaayo iyo muqdisho.
Mareyknaka horay Soomaaliya waxa uu ugu taageeri jiray dhanka bini’aadantimada iyo dhanka ciidanka, asaga qeyb wayn ka qaata dagaalka ay dowladda kula jirto Al-shabaab iyo Daacish dhanka duqeymaha cirka.