Muqdisho (Dawan) — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka ee shanta sano, kaas oo ujeeddadiisu ay tahay horumarinta adeegyada dadweynaha, xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista maciishadda guud ahaan caasimadda.
Qorshahan ayaa qeexaya khariidadda tubta istiraatiijiyadeed ee horseedaysa isbeddel muuqda oo dhinaca maamulka iyo horumarinta magaalooyinka ah, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta tayada nololeed ee dadka deegaanka.
Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in qorshahan cusub uu calaamad u yahay ka guuridda dadaalladii kala firidhsanaa loona gudbayo hannaanka horumarineed ee habaysan.
“Waxaan hadda diyaarinay qorshe cad oo shanta sano ee soo socota ah, kaas oo haddii Alle idmo aan ku higsanayno horumarinta Muqdisho,” ayuu yiri.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in istaraatiijiyadda ay mudnaanta siinayso adeegyada muhiimka ah sida nadaafadda, biyaha, daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada, iyadoo ay garab socdaan maalgashiga dib-u-dhiska waddooyinka, nidaamyada gaadiidka, iyo abuurista fursado shaqo, gaar ahaan dhalinyarada.
Cabdikaadir Muxyadiin Axmed (Dalxa), Agaasimaha Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa sheegay in qorshahan lagu diyaariyey wadatashiyo ballaaran oo lala yeeshay bulshada iyo daneeyayaasha kala duwan.
“Waxaan la tashanay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin haweenka, dhalinyarada, kooxaha nugul, bulshada rayidka ah iyo qaybta gaarka loo leeyahay. Dhammaantood waxay gacan ka geysteen qaabeynta mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Muqdisho,” ayuu yiri.
Qaab-dhismeedka qorshahan wuxuu ku dhisan yahay afar tiir oo muhiim ah: maamulka iyo isla-xisaabtanka, horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha, adeegyada bulshada iyo dhisidda aqoonta dadka, iyo adkeysiga isbeddelka cimilada.


