Addis Ababa – Saddexda murashax ee u tartamaya xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa ku baaqay in qaaradda Afrika loo qoondeeyo laba kursi oo joogto ah oo ay ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, intii lagu guda jiray dood labo saacadood socotay oo lagu qabtay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.
Murashaxiinta u tartamaya xilka ayaa kala ah; Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Madagascar Richard Randriamandrato. Waxay ku loollamayaan sidii ay u beddeli lahaayeen Guddoomiyaha haatan ee Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo xilka ka degaya bisha Febraayo ee 2025.
Xaqa iyo metelaadda Afrika
Intii dooddu socotay, murashaxiinta ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in Afrika ku yeelato Golaha Ammaanka laba kursi oo joogto ah oo leh awoodda diidmada (veto) si ay u maqaamkooda u helaan dalalka Afrika oo ka badan 50 waddan.
Raila Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in " laba kursi ay lagama maarmaan u yihiin Afrika," isaga oo tilmaamay in tani ay tahay "xuquuq cadaalad ku dhisan." Dhanka kale, Richard Randriamandrato ayaa ku baaqay in dalalka Afrika ay "cod mideysan" ku yeeshaan hay'adaha caalamiga ah si looga shaqeeyo maslaxadda qaaradda iyo dahanaha kale ee kala dhaxeeya dunida.
Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa isna xoojiyay baahida loo qabo in dib-u-habayn lagu sameeyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay si ay Afrika ugu yeelato kaalin muuqata oo ku habboon doorkeeda caalamiga ah.