Hargeysa (Dawan)- Waxaa maanta Gabiley lagu aasay Marxuum Cabdinasir Muuse Dahable, oo ka tirsanaa shaqaalaha Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, kaas oo dhawaan Meydkiisa laga helay gurigi uu deganaa ee Magaalada Muqdisho.
Aaska Marxuumka, waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Somalialnd, xubno ka tirsan Golayaasha Guurtida, Wakiilada, Wasiirada iyo mas'uuliyiin ka kala socday Xisbiyada Mucraadka iyo Bulshada Rayidka.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban jeediyay aaska kadib ayaa sheegay in lala xisaabtami doono ciddii ka dambeysay dilka Marxuumka, waxa uuna mas'uuliyadda dilka dusha uga tuuray Madaxda Dowladda Soomaaliya.
“Ninkani siyaasi muu ahayn, cid ma maagin ee diyaaradaha shacabka iyo sida loola hadlo uun buu yaqaanay, taasina wax qarsoodi ah ma ahee Dowladda Xasan Sheekh waxan leeyahay ninkaani muxuu mutaystay ee lagu dilay, taas oo jawaabteeda haddii la waayona waa Badheedh,” ayuu yiri, Muuse Biixi