Soomaaliya, Maarso 8, 2026 (Dawan- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa oo Axad ah sheegay in dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay ee uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khatar gelinayo dowladnimada dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Farmaajo ku tilmaamay tallaabadan mid xadgudub ku ah Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, wuxuuna ku dooday in hannaanka loo maray ay ka maqan tahay is-afgaradkii lagama maarmaanka ahaa ee dhinaca siyaasadda iyo bulshada.
Wuxuu xusay in mucaaradnimada ka timid qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka, iyo mas’uuliyiintii hore ee dowladda ay muujinayso in wax-ka-beddelkani aanu ahayn heshiis qaran oo la wada leeyahay.
Farmaajo ayaa saxiixaas ku tilmaamay mid sharci-darro ah, wuxuuna caddeeyay in maamulka hadda jira uu ka leexanayo mabaadi’da sharciga ah ee la dhisay.







