Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay falalka hurinaya colaadaha, kicinta shacabka iyo abaabulka tallaabooyin khalkhal gelinaya amniga iyo wadajirka bulshada ee ka socda deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dhaq-dhaqaaqyada noocaas ah ay khatar ku yihiin nabadda, wadajirka bulshada iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta dalka.
“Falal kasta oo horseedi kara kala fogaansho, nacayb ama isku dhac bulshada dhexdeeda waxay khatar ku yihiin nabadda, wadajirka bulshada iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta dalka,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Wasaaradda ayaa sidoo kale digniin u dirtay kooxaha, shakhsiyaadka iyo cid kasta oo ku lug leh faafinta warar marin habaabin ah, abaabulka colaadaha ama tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda ka taagan gobolka.